Tumgik
Text
cuntooyinka sida weyn u kobciya xasuusta iyo garaadka qofka
sida caadada ah cuntada qofka aadamaha ahi qaataa waxa ay saamayn ku leeyihiin caafimaadka qofka, tusaale ahaan cuntadooda qaar waxa ay jidhka ku keenaan xanuuno iyo waxyaabo halis galiya caafimaaadka shakhsiga ah, sidaasi si lamida ayaa cuntooyinka qaarkood jidhka u leeyihiin faa’iidooyin caafimaad oo aad u sarreeya.
cuntooyinka faa’iidada caafimaad ee badan u leh jidhka aadamaha gaar ahaan cuntooyinka kor u qaada xusuusta maskaxda iyo garaadka qofka, cuntooyinka laga soo saaro noolaha ku nool badda, iyo waliba noocyo ka mid ah khudaarta cagaaran oo iyagana la ogaaday inay si weyn u kordhiyaan xasuusta iyo guud ahaan maskaxda kuwaas oo ay ka mid yihiin:-
furuutiska, khudaarka cagaaran, kalluunka, cuntooyinka midhaha ah ee galka leh iyo kuwa salliida laga miiro sida geedka saytuunka. dhamaantood waa kuwa door weyn ka qaata unkidda maadooyin cunteed oo kobciya garaadka qofka.
kalluunka waxa lagu tilmaamaa cunto asaasi u ah kobaca maskaxda aadamaha waxaana ku jira saddex maaddo oo loo yaqaano OMIGA3 oo si weyn uga qayb qaata korriinka maskaxda, maadooyinkaani waxa ay hoos u dhigaan xaddiga badan ee dufanka ah ee dhiigga raaca, kuwaasi oo dhibaato caafimaad sababa.
liin macaanta, muuska, rumaanka, cinabka, tufaaxa, tamaandhada iyo xab-xabku dhamaantood waxa ay ka mid yihiin liiska cuntooyinka kobaca iyo koritaanka maskaxda kow ka ah. Akhriso faaidooyinka qaraha
0 notes
Text
8 Faaido Oo Laga Helo Galmada Badan Ee Xalaasha Ah
Tumblr media
Marmba marka ka dambaysa waxa iska soo daba dhacaya diraasadaha laga diyaariyo faaidooyinka ay u leedahay galmada xalaasha ahi labada ruux ee nolosha wadaaga lab iyo dhadigba.
Hadaba aqoonyahannada cilmigan ku xeel dheeri waxa ay si cad u sheegeen in calaamadaha laga dheefo galmada xalaasha ah ay kamid tahay qofka oo dabeecadiisu wanaagsanaato, jidhkiisa oo guba calories farabadan jimicsi iyo dadaal uu samaynayo awgii, taasi oo hoos u dhigaysa cayilnaanta ruuxa kana hor tagta xanuuno badan. intaasi oo lagu daray xidhiidhka ninka iyo xaaskiisa oo sii adkaada. Akhriso casharkaan, maxey dhakhaatiirtu ka sheegeen galmada xilliga uurka
Hadaba wargayska Daily Telegraph maqaal uu arintan ka diyaariyay waxa uu kusoo koobay faaidooyinka laga dheefo 8 qaybood:
* Hurdo wanaagssan oo caafimaad qabta
* Labada ruux oo muuqaalkooda da’du yaraato muddo 5 ilaa 7 sanno u muuqda in ay ka yaryihiin da’dooda dhabta ah.
* Ka hortaga wadna xanuunka.
* Kor u qaadista difaaca jidhka.
* Ka hortaga xanuunka kansar ka (Cancer) gaar ahaan raga.
* Kor u qaadista shaqooyinka maskaxeed ee qofka.
* Gubista ama kasaartaanka jidhka dufanka aan loo baahnayn.
* Iyo waliba hoos u dhigitaanka isku buuqa.
Xigasho: Daily Telegraph
0 notes
Text
Caafimaadka sanjabiisha
Tumblr media
Waxay hoos u dhigtaa macaanka.
Waxay ka hortagtaa kansarka.
Waxay xakamaysaa caabuqa boogaha jirka.
Waxay yareysaa xanuunka dhiiga caadada dumarka.
Waxay yareysaa lalabada xilliga wallaca ee haweenka uurka leh.
Waxay la dagaalantaa infekshanka.
Waxay yareysaa murqo xanuunka.
Waxay kor u qaadaa hamiga iyo dareenka galmada ee ragga.
0 notes
Text
Cabitaan Korka kuu Iftiiminaya lafahana kuu dhisaya
Tumblr media
Waxaad ogtihiin marka winter ka la gaaro korka oo dhan ayaa ku dikaamaya, waxaad is arkaysaa adigoo qalqalooc u socotid waxaad isku arki kartaa lafo xanuun u badan lugaha iyo dhabarka. Hadaba suaashu waxay tahay, Sidee arrimahaas uga hortagi kartaa? Cooking With Hafza ayaa idin la qeybsanaynaysaa cabitaan u fiican lafaha. Waxaa lagama maarmaan ah inaad jimicsi fiican samayso waayo lafaha ayuu ku adkeynayaa, jirka oo dhan wuu u wanaagsan yahay. Cabitaannada nafaqada jimicsigu waa waxyaabaha ugu haboon ee lafaha lagu adkeyn karo.
Hadaba cabitaanka ayaa laga samaynayaa mandarin. Waxay aad ugu fiican tahay maqaarka iyadoo ka ilaalisaa falaaraha cadceeda ee loo yaqaan UV, waxay daaweysaa waxyeellada ilayska qoraxdu gaarsiiso jirka.
Maxay tahay faaiidada Mandarin?
Sun saarista
Hal koob oo oranji ah waxaad ka helaysaa 28% vitamin c ah waana inta qofka caadiga u baahan yahay maalintii. Vitamin C waa sun saare ka takhalusa waxyeellada jirka soo gaarta sida mida ilaysa cadceedu sababto. Maadoyinka kale ee sun saarista qaabilsan ee ku jira mandarinta waxaa ka mid ah carotenoids beta-carotene, luteiniyo zeaxanthin. Vitamin C Waxaa kale oo uu xoojiyaa difaaca jirka ee iska caabbinta cudurrada.
Caafimaadka lafaha
kalshiyaamka iyo fosfooraska ku jira waxay dhisaan lafaha iyo ilkaha. Lafaha duqoobay ama dhaawacmay waxay ku beddelaan kuwo adag oo xooggan noloshaada oo dhan. Waa muhiim inaad labadaan macdan ku darto cuntada aad joogtada u cunto si aad uga hortagto lafo-beelka. Hadii labadaan ku yaraadaan jirkaaga waxaad khatar ugu jirtaa cudurka lafo beelka (osteoporosis).
Fiber
Oranjada mandarinta waxay qani fiber oo caloosha socodsiiya isla markaana ka hortagga calool fadhiga.  Wuxuu kaloo u fiican yahay dheefshiidka waxaa uu xaliyaa qaar ka mid ah dhibaatooyinka caloosha..  Fiber waxaa uu hoos u dhigaa dufanka dhiigga iyo sonkorta dhiigga.
Cayilka:
Oronjada mandarin waxay yareysaa cayilka. Cabitaankan waxaa uu kaa caawin karaa inuu si fudud miisaanka kaaga yareeyo. Waxaa kaloo rumaysan oranjadaan ay ka hortagto kansarka.
Qaabka cabitaan looga sameeyo
Waxaad isku shiidataa liinta oranjada iyo xulbad. Xulbada waxaad ka helaysaa birta ama iron badan tasoo ka ilaalinaysa dhiig la'aanta. Hadii aad ka welwelayso urka xulbada waxaad ku darsan kartaa mint si ay kuugu carfiso.
Tumblr media
0 notes
Text
Cuntooyinka u wanaagsan dumarka caadada leh
Tumblr media
Maanta waxaan doonaayaa inaan ka hadlo mowduuc aan in badan ka fakarayay muhiimaddiisa, waxaan inyar ka tilmaamayaa cuntooyin u fiican dumarka xilliga caadada. Waa muhiim in gabadhu ka fakarto daryeelka jirkeeda markay caadada leedahay.
Muuqaalkaan waxay Hanna Cadeey kaga hadlay cuntooyinka u wanaagsan gabadha caadada leh.
youtube
0 notes
Text
Hilib Digaag iyo Digir
Tumblr media
Digirta chickpea waxay ka mid tahay cuntooyinka nafaqada badan, halkii koob oo digirtaan aha waxaa ku jira 15 garaam oo borotiin ah, 12.5 garaam oo fiber, 1.7 macdanta manganese ah iyo vitamin B9.
fiber ka waxa uu jilciya saxarada. Cuntada fiber ka leh waxay kontoraalan heerka sonkorta dhiiga. Macdanta mangenese waxay kor u qaadaa kobcitaanka lafaha iyo bogsashada dhaawacyada. Vitamin B9 waxa uu caawiyaa koritaanka ugu jirka iyo unugyada maskaxda waxaana uu ka hortaggaa kansarka. Dufanka wanaagsan ee ku jira digirtaan waxaa yareeyaa halista wadne xanuunka, waxaa lagu ogaaday cilbi baaris uu sameeyay machadka inus Pauling.
Hadaba maanta waxaynu barnaamijka cunto karinta kaga kusoo qaadanaynaa maraq laga samaynayo hilib digaag iyo digirta chickpea. Digirtaan waxay cuntada u yeeshaa dhadhan macaan iyo muuqaal qurxoon waana caafimaad badan tahay. Maraqan waxaad ku cuni kartaa rooti.
waxaa loo baahan yahay:
2 qaado oo saliid ah 1 qaado sanjabiil ah 2 xabbo oo tuun ah 1 Xabbo oo basal ah 1 pound oo digaag ah 2 xabbo oo baradho la jarjaray ah 2 yaanyo 2 xabbo oo kaarooto la jarjaray ah. 1 koob oo digirta chickkpea ah. 1 Xabbo oo basbaas ah 2 qaado oo kabsar caleen ah biyaha jab liin dhanaan ah 1 qaado xawaash dhuudhuub shiidan ah. 1 Malqacad oo huruud ah Cusbo iyo filfil.
Sida loo diyaarin karo
Digsi weyn dabka saaro ku shub saliida, markuu xoogaa kuleel noqdo ku dar basasha iyo sanjabiisha, sug ilaa basashu noqonayso midab bunni ah ayna ka jilcayso, ku dar cusbada iyo filfisha.
Xawaashka iyo digaag isku dar, wad ilaa digaagu midabka kafeega ah isu bedelayo, ku dar baradhada iyo kaarootada.
Ku dar yaanyada dhowr daqiiqana kari, kadibna ku dar digirta chickpea da, basbaaska, kamsar caleenta iyo biyaha liin dhanaanta.
Ku dar biyo oo kari mudo 30 daqiiqo ah, Ku dar liin dhanaan kale.
Halkaas waxaa kasoo baxaya maraq macaan oo cajiib ah ku cun rooti oo ku raaxeyso. barnaamijka cunto karinta qeybta berito haddu alle idmo waxaan kaga hadli doonaa sida loo diyaarin karo suugo ka samaysan hilib iyo misir.
Wixii talo iyo tusaale hoos nooga reeba.
0 notes
Text
Wax ka ogoow nafaqada laga helo timirta
Tumblr media
Timirtu waxa ay ka baxdaa geedka loo yaqaan "Palm Tree" oo ah geed abaareed ay culumadu isku raacsan yihiin in asalkiisu uu ka bixi jiray jasiiradda carabta boqolaal kun oo sano ka hor. Geedka timirtu waxa uu leeyahay taariikh dheer, wadanka ugu badan ee geedkaan uu ka baxo waa Sacuudi Carabiya.
Nafaqada uu geedkaan leeyahay
Hadii uu jiro cunto isku dheeli tiran geedka ugu dhow ama miraha ugu dhow waa timirta. Waxaa la yiraahdaa dadkii ku noolaan jiray jasiirada carabta waxay cuni jireen timir, caano iyo biyo kaliya, waxaa lagu tilmaamaa inay ahaayeen dadkii ugu caafimaadka badnaa aadanaha dunida soo maray.
 Timirta waxaa ku jira fiitamiino, macdano, energy. kuma jiro dufan oo ma keento kolesterool, lagumana naaxo. Waxaa kaloo ku badan fibre oo ah maado ka mid ah carbohydrates ka. Fiber waxaa xoojiyaa difaaca jirka sidoo kale waxaa uu keena saxarada, qofka oo badsada maadadaan waxay kordhisaa saxarada. 
 Waxaa kaloo laga helaa timirta waxyaabaha loo yaqaan antioxidant oo jirka saara free radicals ka. Timirta waxaa kale oo oo ku jira macdanta Potassium  oo ka hortagaa dhiig karka. Iron ama birta ayaa ka mid ah nafaqada laga helo timirta. Iron la'aanteed qofku ma noolaan karo, waxay aad ugu wanaagsan tahay dhiigga. Birta waxaa si gaar ah ugu baahan dumarka iyo caruurta, waxay ka hortaa dhiig yarida. 
 Sidaan soo sheegnay timirta waxaa ku jira fiitamino ay mid yihiin A iyo B. Noocyada Fiitamiin B-yada ku jira waxaa ka mid ah B6, B1 iyo B3.  Waxaa cajaa'ib ah in geedka timirtu uu harraadka tiro. 
 Timirta waxaa aad ugu hadlay diinteenna suuban, Nabigeenna Muxammad N.N.K.H waxaa laga weriyay axaadiis badan oo timirta ku saabsan, waxaa uu ku taliyay marka la afurayo in timir lagu afuro ama lagu bilaabo. Xataa waxaa jira xadiis oranaya guriga aanay timir oolin waa guri sabool. Sidoo kale Allah ayaa timirta uga hadlay Qur'aanka kariimka ah. 
 Hay'adda caafimaadku ee Mareykanku gaar ahaan qeybta la talisa wadne xanuunka iyo cudurrada la xiriira waxay ku taliyaan qofku inuu maalin kasta cuno 4 ilaa 5 xabbadood oo timir ah. Waxay ka hortagaysaa wadne xanuunka iyo faaliga ama stroke. Sababta ugu badan ee stroke ga ama dhiig furanka maskaxda keenta waa dhiig kar. Xanuunkan dhiig karka waxyaabaha yareeya waxaa ka mid ah timirta. 
 Hadaba waxaan idin kugula talinaynaa inkastoo Soomaalidu jeceshahay hadana inaad ogaataan in timirtu ay tahay geed barakaysan oo nafaqo badanna leh.
youtube
0 notes
Text
Ukun iyo baradho
Tumblr media
Kusoo dhawaada muuqaal oo aan idin kula wadaagayno casho fudud oo waqti dheer iyo howl badan toona kaaga baahnayn. Cashadaan ayaa laga samaynayaa ukun iyo baradho. 
 Run ahaantii ukuntu waa cunto nafaqo badan waxaa ku jira borotiin. Waxaa ay u wanaagsan tahay in la cuno subaxdii iyo habeenkii. Haweeneydu waxay u baahan tahay 46 garaam oo borotiin ah maalintii. labo xabbo oo ukun ah ayaa ku filan ( waxaa ku jira 12 garaam oo borotiin ah). 
 Ukuntu waxay xoojisaa dufanka wanaagsan ee jirku u baahan yahay ee loo yaqaan "Good" Cholesterol. 
 Hadaba si aad u diyaariso cashadaan fudud waxaad u baahan tahay ukun, baradho, cusbo, filfil shiidan, rosemary iyo in yar oo saliid ah kadibna foornada ayaa lagu dubayaa.
Daawo oo ka faaidayso muuqaal ay soo diyaarisay Kheerto Faafaale
youtube
0 notes
Text
Waxtarka Xabxabka
Tumblr media
Xabxabku waa miro waxtar badan u leh jirka bini aadanka, waana miraha ugu biyaha badan inta la ogyahay 92% waa biyo hadana waxaa ku jira nafaqooyin kala duwan oo jirka daruuri u ah faytamiin A, B6, C, E macdanta calcium, birta iyo protein loo yaqaan citrulline kasoo muhiim u ah xididada dhiigga.
 Sidoo kale waxaa xabxabka ku jirta macdanta loo yaqaan potassium oo unugyada jirka u baahan yihiin. Xabxabku wuxuu qani ku yahay maadada loo yaqaan Lycopene oo ah maado ku yar miraha kale, maadani waxay muhiim u tahay caafimaadka wadnaha iyo lafaha, waxay kaloo hoos u dhigtaa khatarta kansarka.
Faaidooyinka xabxabka:
Xabxabku wuxuu hoos u dhigaa khatarta wadne xanuunka iyo unugyada wadnaha iyo gaboobaan. Wuxuu wadnaha ka difaacaa in subag ama dufan uu ku samaysmo. 
 Xabxabku wuxuu u wanaagsan yahay maqaarka iyo timaha sababtoo ah waxaa ku jira faytamiin A oo u roon dubka iyo timaha. wuxuu dubka ka ilaaliyaa qalaylka.
 Xabxabka wuxuu caafiyaa dheefshiidka iyo midicirrada caloosha sababtoo ah waxaa ku jira fiber. 
 Daraasado dhowr ah oo la sameeyay ayaa lagu ogaaday in xabxabku uu ka hortago noocyo kansarka ka mid ah sida kan qanjirka borostaytka.
 Xabxabku wuxuu hoos u dhigaa cayilka wuxunaa gubaa xayrta isagoo ka yahay miraha la isku caateeyo. 
 Xabxabku waxaa u ka hortagaa caabuqa maadada loo yaqaan Lycopene waxay hoos u dhigtaa caabuqa iyo sunta jirka.  
1 note · View note
Text
Caafimaadka Laga Helo Toonta
Tumblr media
Toontu waa dhir daweed waxtar badan oo mudo dheer lasoo isticmaalayay waxaana la isku raacsan yahay faaideeda  caafimaad. Waxaa xusid mudan in Nabigeenna Suubanaa Naxariis iyo Nabad Gelyo Korkiisa Ha Haatee uu nagala dardaarmay inaan isku daweyno toonta.
 Tootnu waxay ku jir dhir daweedyada ay cilmi baarayaasha casriga ahi ay isku raaceen waxtarkeeda caafimaad. Sidaa s darteed qormadaan waxaan kusoo qaadanaynaa xanuunada toonta lagu daaweeyo hababka loo isticmaalo. Toonta waxaa ku jirta maadoo la yiraahdo "Allicin" oo ah maadada xambaarsan awoodda caafimaad ee toonta iyo carafteeda.
Nafaqooyinka toonta ku jira:
Manganese
Vitamin B6
Vitamin C
Selenium
Fiber
Kalshiyaam,
copper
potassium
phosphorus,
Birta
vitamin B1.
Difaaca jirka: Toontu waxay xoojisaa unugyada difaaca jirka. Waxay ka hortagtaa fayruuska waana midda keentay in loo adeegsado daaweynta hargabka iyo ifilada. Daraasado la sameeyay ayaa lagu arkay isticmaal toonta uu yareeyo 70% khatarta hargabka. 
 Waxay hoos u dhigtaa dhiig karka: Xanuunada wadnaha sida wadne xanuunka iyo faaliga waa dilaayaasha ugu waa weyn dunida dhiig karka ayaana inta badan sababa cudurradaan. Toontu waxay xakamaysaa  cadaadiska dhiigga. 
 Daraasad ayaa muujisay in hadii qofku uu qaato 600 iyo 1,500 miligaraam oo toon  uu la mid yahay isagoo qaadanaya kiniinka dhiig karka ee lo yaqaan "Atenolol"  qaabkaasna dhiiga lagu kortarooli karo. 
 Toonta waxay yareysaa  kolestaroolka xun ee loo yaqaano "LDL" sidoo kale waxay hoos u dhigtaa dufanka la yiraahdo "Triglyceride" oo halis ku ah wadnaha. Daraasado ayaa ku taliyay in dhiigga karka lagu xakamayn karo toonta. 
 Toonta waxaa ku jira madoo ka hortagta xanuunada xusuus xumada sida dementia iyo alzheimers sababto ah waxay jirka ka saartaa waxyaabaha keena howlgabka maskaxda, toontu waxay wanaajisaa shaqada waana dawo u fiican duqowga. 
 Toontu waxay kor u qaadaa firfircoonida iyo gubitaanka tamarta xiliga jimicsiga waxayna u wanaagsan tahay dadka aada gym-ka way ka fiican tahay dawooyinka la sheego inay murqaha dhisaan laakiin khatarta badan. 
 Toontu waxay jirka ka saarta sunta waana sababta ay aadka ugu isticmaalaan dadka ka shaaqeeya warshadaha. 
 Toontu waxay kobcisaa caafimaadka lafaha khaasatan dumarka, waxaa la arkay inay hormoonka estrogen, kaasoo haduu yaraado uu sababo in lafuhu daciifaan. 
 Waxaa la arkay in toontu la toontu ladaagallanto gooryaanka mindhicirrada gala iyadoo sababta inuu suuxo taasoo keenay in calooshu si fudud iskaga saarto. 
 Toonta waxaa loo isticmaala xanuun baabi'ye ahaan ama qandho jabis, qufaca, caabuqa sanqada iyo madax xanuunka. Toonta waxaa loo adeegsadaa qaniinyada bahallada sida qaniinyada dabaqallooca iyo maska, Nabigeenna Maxammed Sallalaahu Caleyhi Wa Sallam ayaa inoo sheegay hadii toonta oo la tumay la saaro meel uu bahal qaniinay waxay jirka kasoo dhuuqdaa sunta waxayna Allah SW idinkiisa ka hortagta in suntu ay raacdo dhiigga.    
0 notes
Text
Faa’iidada Babaayga
Tumblr media
Babaaygu waa khudrad cajiib ah oo caafimaad badan. Waxaa ku jira maadooyin antioxidants ah oo yareeya bararka cudurradana la dagaalama isla markaana qof ka caawiya inuu ukaado qof da'diisa  ka yar.
Nafaqooyinka babaayga ku jira:
Kaloori
Kaarbohaydareed
Fiber
Borotiin
Vitamin C
Vitamin A
Vitamin B9
Potassium
calcium,
magnesium
Faaidooyinka babaayga:
Wuxuu difaacaa jirka:
Babaabygu wuxuu xoojiya awooda unugyada difaaca jirka, waxaa ku jira vitamin C oo muhiim u ah difaaca jirka.
Maqaarka iyo Timaha:
Babaaygu wuxuu kor u qaadaa caafimaadka maqaarka wuxuuna ka dhigaa mid ifaya. Babaygu wuxuu koriyaa timaha sababtoo waxaa ku jira Vitamin oo muhiim u ah qanjirrada saliida soo daayo ee tinta. Waxaa la xaqiijiyay in babaaygu uu yareeyo agoolka waa midda sababtay in shirkadda soo kiriimada jirka iyo timaha ku suuq geeyaan in babaay u kiro alaabtooda.
Wuxuu sare u qaadaa caafimaad lafaha:
Macdanta calcium ka ee ku jirta babaayga waxa xoojiya awoodda iyo caafimaadka lafaha.
Kansarka:
Cilmi baarayaashu waxay sheegeen in maadada loo yaqaan  lycopene ee ku jirta babaayga ay yareyso khatarta kansarka. Sidoo kale babaaygu wuxuu u fiican yahay dadka laga daaweeyay kansarka.
Caafimaadka wadnaha:
Babaaygu aad si joogto ah u cuntid waxay kobcin kartaa caafimaadka wadnahaaga. Daraasado ayaa mujiiyay in khudradda ay ku jiraa maadada lycopene iyo Vitamin C ay ka hortagaan wadne xanuunka. Waxyaabaha antioxidants ka ah ee laga helo babaayga waxay xididada wadnaha ka ilaaliyaan inay ku fariistaan dufanka kolestaroolka.
Wuxuu la dagaalamaaa bararka:
caabuqa dabodheeraada inta badan waxaa sababa cuntooyinka aan caafimaad u fiicnayn iyo qaab nololeedka. Daraasado ay iiftiimiyay cunista cuntooyinka hodan ku ah antioxidant sida babaayga ay hoos u dhigaan caabuqa.
Wuxuu yareeyaa caadka indhaha:
Waxaa la ogaaday in babaaygu uu hoos u dhigo khatarta caadka indhaha fuula ee loo yaqaan Cataract. Babaaygu wuxuu qani ku yahay Vitamin A  iyo beta-carotene oo muhiim ah caafimaadka iyo aragga indhaha. Babaaygu iyo kaarootada waa labada cunto ee la isku raacay in indhaha siiyaan caafimaad buuxa.
Xanuunka caadada dumarka:
Babaaygu waxaa uu ka mid yahay cuntooyinka loo isticmaalo caado xanuunka iyo caado wareerka sababtoo ah waxaa u jira babaayga maado loo yaqaan papain oo xiriir la leh dhiigga caadada.
Dheefshiidka:
Waxa aku jirta babaayga madaada an soo sheegnay ee papain enzyme ee caawisa in calooshu shiido borotiinka. Babaayga waxaa loo arka inuu dawo ka yahay calool istaagga, wuxuu ka hortagaa daaco qurunka sidoo kale waxaa uu caawiyaa dibirada. Sidoo kale waxaa la ogaaday in babaaygu wax ka taro boogaha caloosha. Babaaygu wuxuu ka mid yahay cuntooyinka dabiiciga ah ee lagu daaweeyo gaaska. 
 Run ahaantii babaaygu waa khudrad nafaqo badan oo macaan. Wuxuu jirka ka difaacaa calaamadaha gabowga, wuxuuna maqaarka ka dhigaya mid iftiimaya oo dhalinyaro ah. Sidoo kale babaaygu wuxuu ka hortagaa xanuuno badan.
0 notes
Photo
Tumblr media
saambuus somali
2 notes · View notes
Text
Faa’iidada Kaarootada Iyo Sida Cabitaan Looga Sameeyo
Tumblr media
Kaarootadu waxa ka mid tahay cuntooyinka laga helo dhulkeenna hooyo, dadka Soomaalidana ayay u yaqaanaan, waxay leedahay waxtar badan oo caafimaad, waxayna kasoo qaadanaynaa qaar ka mid faaidooyinkeeda:
   Waxay ka hortagtaa kansarka: Kaarootadu waxay qani ku tahay maadada loo yaqaan Beta-carotene oo yaraysa khatarta noocyo ka mid ah kansarka sida kan ku dhaca sambabada ,Sida lagu ogaaday tijaabo lagu sameeyay dad sigaarka nuuga,  qofka maalin kasta qaata 2.7 oo maadada Beta-carotene wuxuu boqolkiiba afartan uu ka badbaado halista kansarka.   
Waxay kobcisaa caafimaad wadnaha: Cilmi baaris ay sameeyeen khubaro u dhalatay dalka Sweden ayaa iftimiisay in kaarootadu ka hortagto cudurrada wadnaha. Cilmi baarayaashaan ayaa isbarbar dhigay dadka kaarootada sida joogtada u qaata iyo kuwa aan qaadan.   
Aragga indhaha: Maadada kaarootadu ay hodan ku tahay ee Beta Carotene waxay waxay kordhisaa awoodda aragga. Goorta qofku cuno kaarootada maadadani waxay tagtaa beerka, kadib beerku waxaa u rogaa mama u bedelaa faytamiin A, kadibna Faytamiin A-gu waxay indhuhu u bedelaan maadada muhiimka ee indhuhu u baahan yihiin taasoo loo yaqaaanno rhodopsin, waxay maadadni qaabilsan tahay aragtida midabka. Maadada beta Carotene waxay sidoo kale ka hortagtaa xanuunka indhaha ku dhaca ee lagu magacaabo macular degeneration iyo caadka indhaha.  
  Gabowga: maadada Beta Carotene Waxay daahisaa gabowga. Kaarootadu waxay ka mid tahay cuntooyinka looga hortaga gabowga waqtigiisii kasoo horumaraya kaasoo faraba'an ku haya bulshada caalamka.   
Waxay kobcisaa bilicda maqaarka: Faytamiin A-ga iyo maadooyinka antioxidants ka ah ee ku jira kaarootada  waxay dubka ka ilaaaliyaan waxyeellada qoraxda, Faytiin A oo ku jirka ku yaraada waxay sababta qalaylka, maqaarka, timaha iyo ciddiyaha. Faytamiin A waxa uu jirka duuduubka wajiga, finanka iyo midabka jirka oo halaaba.   
Waxay nadiifisaa jirka: Faytamiin A waxa uu caawiyaa in beerka laga nadiifiyo sunta iyo qashinka, sidoo kale kaarootada waxaa ku jira Fiber oo nadiifiya caloosha.  
  Waxay u roon tahay dadka qaba macaanka: Waxa la xaqiijiyay in kaarootadu ay kontaroosho heerka sonkorta ee dhiigga, waxay difaacdaa howlgabka unugyada soo saara insul-ta.  
  Faaliga: Sida lagu xusay daraasad ay samaysay jaamacadda Harvard, kaarootadu waxay yareysaa halista faaliga ama stroke qof siduu uyaqaan, sababtoo ah waxaa jirta maadada beta carotene oo u roon maskaxda. 
  Waxay ilaalisaa ilkaha iyo cirridka: Waxay kordhisaa caafimaadka ilkaha iyo cirridka waxayna ka ilaalisaa bakteeriyada iyo dhaawaca.   Muuqaalkaan hoose waxa uu ku saabsan yahay sida cabitaan looga sameeyo kaarootada, waxaana nala wadaagaysa Yasmiin oo ka mid ah gabdhaha ee wacyigelinta ka shaqeeya. waxay channelkeeda lagu magacaabo caafimaad fiican kusoo bandhigtaa waxyaabo badan oo bulshada anfacaya.  
Daawasho wanaagsan:
youtube
0 notes